Doowlada oo dib ugu yeertay wafdi ay shalay u dirtay Kismaayo

Doowlada Soomaaliya, ayaa amar ku bixisay ineey dib usoo laabtaan wafdi ay shalay u dirtay magaalada Kismaayo.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa barta uu Twitterka ku leeyahay kusoo qoray warar badan maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasoo uu kaga hadlayay jahwareerka ka taagan Kismaayo.

C/kariin ayaa bartiisa soo dhigay hadal uu ku sheegayo in doowlada wafdigii ay Kismaayo udirtay amar ku siisay ineey dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho, si doowlada ay markale go’aan uga qaadato xaalada Jubooyinka.

“Wafdiga Kismayo loo diray ineey dib usoo laabtaan baanu ku amarnay si doowlada ay markale go’aan uga qaadato” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray wasiirka arimaha gudaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doowlada Kenya go’anka ay ka qaadan karto arimaha Kismaayo, waxaana uu yiri isagoo ka hadlaya sida tan.

“Koox jabhad qabiileed ah oo hubeysan kama talin karto aayaha bulshada Jubooyinka, waxaana u sheegayaa doowlada Kenya ineey faraha kala baxdo horayna waan ugu sheegay, waxaana ay Kenya kamid tahay doowladaha ku bahoobay magaca AMISOM, ayna usoo direen dalka Soomaaliya wax siyaasad iyo maamulna shaqo kuma lahan” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha.

C/kariin Xuseen guuleed, ayaa sidoo kale ka hadlay dadaalka ay doowlada u gashay xal u helida Kismayo, waxaana uu yiri “doowlada dadaal uma aysan reeban, laakiin dad qas wadayaal ah ayaa dhibaata ka wada magaalada Kismaayo, tallaabo ayaana ka qaadi doonaa”.

“Axmed Madobe waxba ka duwan shacabka reer Kismaayo haddii uusan wali aaminsaneyn fikradihii uu ka soo laabtay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here