Doowlada oo balan qaaday in cafis loo fidinayo burcad badeeda

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, oo wareysi siinayay London Times, ayaa waxa uu sheegay in doowladiisa ay cafis ufidin doonto Burcadbadeeda hadii ay sii daayaan dadka ay afduubka uhaystaan iyo hadii ay maraakiibta ay madaxfurashada u haystaan sii daayaan.

Madaxweynaha ay Xukuumadiisa la degtay musuqmaasuqa mudadiisuna ay ku egtahay 20-ka bishan Augusto, ayaa sheegay in cafis loo fidin doono inkabadan 2,000 oo burcabadeed ah hadii ay sii daayaan maraakiibta iyo dadka gacantooda kujira.

“Kuwa lugaha kulajira falalka burcadbadeednimada waa la cafin doonaa hadii ay katoowbad keenaan” ayuu yiri shiikh shariif mar uu ololaha doorashada kawaday magaalada balcad oo 40km dhanka waqooyi kaxigta magalada Muqdisho.

“Xukuumadda albaabadeeda waa kuwo furan qofkii doonaya inuu isaga tanaasulo ficilada xunxun” ayuu shariif sii daba dhigay hadalkiisa.

Madaxweyne Shariif oo tartan adag kala kulmi doona saaxiibkiis shariif xasan oo ah gudoomiyaha Baarlamanka,ayaa aad u inkiray eedeeyta QM ee ah ineey lunsadeen lacag, wuxuuna sheegay in QM ay talaaboi kaqaado qofkii ay ku cadaato eedeeymahaas.

Eedeyamaha kooxda Monitoring Group ayaa waxaa kamid ahaa in madaxweyne shariif uu baasaboor diblomaasi siiyay mid kamid ah ragga ugu sareeya Burcadbadeeda Maxamed Xasan, balse uu shariif ku andacooday inuu ninkan u adeegsanayay kala jabinta burcadbadeeda.

QM ayaa inta qof ee gacanta burcadbadeeda kujirta waqti xaadirkan kusheegtay 245 lahaystayaal,waxaana kamid ah dadkaas 7 kamid ah midowga yurub oo katirsan kuwa ladagaalama Burcadbadeeda qudhooda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa burcad badeeda ugu baaqay ineeysan geysan danbiyo dilal ah,waxa uuna sheegay in xukuumadiisa ay tanaasulaat usameeyneeyso kooxahaas si ay uga tanaasulaan falalka ay hadda gacanta kulajiraan.

“Falsafadeyda waligeed waxay ahayd mid ku dhisan nabad, ee ma ahayn mid dagaal”ayuu Gaas usheegay jariirada London Times.

“Maqabo in burcad badeeda ay leeyihiin naxariis ama loo turo balse hadii ay katowbad keenayaan cafisna ay dalbanayaan,waa inaan soo dhoweeynaa” ayuu cabdi wali sii daba dhigay hadalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here