Doowlada oo baareysa sababta uu u Biyo yareeyay Wabiga Shabelle

Wabiga Shabelle oo gurayC/salaan Hadliye Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa wuxuu caawa shaaca ka qaaday in Dowladda Somaliya ay baaritaano ku samayn doonto, waxa keenay in uu guro Wabiga Shabelle.

Wasiirka, ayaa marka hore yiri “Gobolada abaaro ayaa ka jira, xilligii roobabka la fillaayay ayaa dib u dhacay, weli ma da’in roobabkii. Dowladda Somaliya way ka war heysaa xaaladda abaaraha ee dalka ka jira ee biyo la’aanta.”

Waxa uu intaa ku daray “Waan ka warqabnaa arrintan ku aadan biyo la’aanta Webiga Shabelle. Dowladda Somaliya waxay baareysaa in sababta tahay roobabka aan weli da’in iyo in Dowladda Itoobiya ay biyo xireen ku samaysay Webiga Shabelle.”

Wasiirka, ayaa ku andacoonaaya inaysan illaa iyo hadda jirin cid sheegi karta sababta uu u guray Webiga, balse ay Wasaaradiisu diyaar u tahay inay arrintaasi baaritaano ku samayso

“Anaga taasi hadda kuma deg deggi karno, guddina uma magacaabin, cid hadda soo ogaatay in Dowladda Itoobiya ay xirtay iyo in kale ma jirto, laakiin Wasaaradeeda Arrimaha Dibadda way ka shaqaynaysaa sidii baaritaan loogu samayn lahaa arrintaasi.” Ayuu yiri Wasiir Hadliye oo wareysi siiyay idaacad ku taala Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here