Doowlada Mareeykanka oo soo dhoweysay shirka golaha ansixinta dastuurka

Qoraal ay soo saartay afyeenada wasaarada arimaha dibadda mareeykanka Victoria Nuland ayaa lagu sheegay in ergada ansixineysa dastuurka ee shalay shirka uga furmay magaalada muqdisho uu muhiim uyahay ummada soomaaliyeed isla markaasna uu aas aas uyahay in somaliya ay yeelayo dowlad xaqiiq ah oo aan KMG ahayn,sidoo kale waxaa warbixintan lagu sheegay in dastuurkan uu hor udhac yahay dastuur guud oo ay somaliya yeelayo ilaa inta laga gaarayo dowlada cusub ee soosocota markaasoo afti guud laga qaadi doono bulsho weynta soomaaliyeed.

Siidokale warbixintan waxaa lagu yiri shirka ansixinta dastuurka waxa uu bilaw uyahay hanaanka kala guurka,qoraalka ayaa lagu cadeeyay in dowlada mareeykanka ay taageereyso isla markaasna ay qayb ka qaadaneeyso in somalia laga saaro kumeelgaarnimada kahor 20-ka bisha Augusto,kadibna ay soo maaliya gali doonto marxalad cusub ayna yeela doonto doowlad loo dhanyahay lalana xisaaabtami karayo.

Mareeykanka ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxa uu sii xoojiyay galaangalka uu kuleeyahay waxa kasocda soomaaliya qaasatan markii xilka madaxtinimada mareeykanka qabtay madaxweyne Brack Obama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here