Doowlada Kenya oo balan qaaday in dib loo dhisayo Suuqa Garissa

Madaxweynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki oo shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi gaar ahaan aqalka madaxtooyada ayaa balan qaaday in doowladiisa ay dib udhisi doonto Suuqa Garissa ee “Suuq mugdi” kaasoo ay dabq abadsiiyeen sitimaankii hore ciidamada milatariga Kenya oo ka caraysnaa 3 askari oo la dilay.

Sidoo kale madaxweyne Kibaki ayaa sheegay in lataageeri doono islamarkaasna gacan lasiin doono dadkii ay hantidooda ku bas beeshay rabshadahaas, lana siin doono lacag ay dib ugu soo nooleeyaan ganacsigooda.

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday waxa laga yeelayo askartii danbiga gaysatay ee Garissa u ekeysiisay garoon kubadeed, waxa uu madaxweynaha sheegay in sharciga lamarsiin doono talaabana laga qaadayo.

Wuxuu ugu baaqay dadka reer Gaarisa inay dib ugu soo laabtaan suuqa oo ay diyaar u noqdaan dib u dhiska dowladda ay ku sameen doonto.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii shaley loo gudbiyay cabasho ku aadan inta uu la egyahay hantida ku gubatay suuq-mugdi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here