Doowlada Jabuuti oo kasoo horjeesatay Shirka Kismaayo kasocda

Gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti, mudane Idiris Owcali, oo ka hadlaya arimaha wadanka Soomaaliya, gaar ahaana arimaha dhanka amaanka iyo tallaabooyinka hormarka leh ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

Hudoomiyaha ayaa waxa uu soo hadalqaaday arimaha Ciidamada wadanka Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in doowlada Jabuuti ay sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidamo dheeraad ah ugu soo direyso gudaha Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amaanka guud ee dalka Soomaaliya.

“Waan soo kordhineeynaa Ciidamada, intii dhiman baa la diyaarinayaa, si amaanka loo xaqiijiyo garabna aan u siino milatariga Soomaaliya” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu beesha caalamka ka dalbaday in Soomaaliya xiligaan ku garab istaagaan sidii ay ugu soo laaban lahayd booskii ay qaarada Afrika ka joogtay, dhan milatari iyo dhan siyaasadeed intaba.

Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti, ayaa ku gacan seyray shirka loo fadhiyo magaalada Kismaayo, oo la doonayo in maamul loogu sameyo gobolada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana uu ku tilmaamay in shirkaasi uu yahay mid aysan aqbali doonin doowlada Jabuuti.

“Gobolada waa ineey doortaan maamuladooda, laguna caawiyo, laakiin dhibatadan Kismaayo laga sheegayo anagu raali kama nihin” sidaa waxaa yiri gudoomiyaha baarlamaanka jabuuti.

Dhinaca kale doowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa waxay si weyn ugu mahad celisay doowlada Jabuuti, iyadoo ku tilmaamtay ineey tahay doowlada kaliya ee had iyo jeer garab taagan doowlada iyo shacabka Soomaaliyeed, dooneeysana ineey Soomaaliya xiligaan dib ugu soo laabato maqaamkii ay ku lahayd saaxada siyaasada Caalamka.

Wasiiru doowlaha wasaarada arimaha dibada Soomaaliya, oo taba bar ugu soo xiray wadanka Jabuuti qaar katirsan saraakiisha Ciidamada booliska Soomaaliya, oo u mahad celinaya doowlada Jabuuti, ayaa yiri sida tan:

“Waxaa mahad gaar ah doowlada Soomaaliyeed, u celineeysaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, iyo doowladiisa marwalba na bar bar taagnaa mudadii dheereyd ee aan soo rafaadnay, dhibaatada nasoo haysatay ilaa iyo maanta”.

Doowlada Jabuuti ayaa waxay kamid tahay, doowladaha gobolka ee ay Ciidamada ka joogaan wadanka Soomaaliya, gaar ahaan Ciidamada Jabuuti ayaa hada ka howlgala, magaalada B/weyne ee xaruunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, hadii lasoo kordhiyana waxaa la’aaminsanyahay in waxbadan ay ka qaban karayaan gobolka Hiiraan, oo ay hada qaybo kamid ah maamulaan Al-shabaab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here