Doowlada iyo ganacsatada oo si iskumid usoo dhaweeyay dhoofinta Xoolaha nool

Sanado dheer kadib, dekeda Muqdisho ayaa Al-baabadeeda loo furay dadka leh Xoolaha nool, ee doonaya in ay u dhoofiyaan dibadda, markaana waa markii ugu horeeysay mudo 22 sano kadib oo dekeda Muqdisho laga dhoofiyo Xoolaha nool nool qaybahooda kala duwan.

Jimcihii lasoo dhaafay waxaa dekeda Muqdisholaga dhoofiyay dufcadii ugu horeysay Xoolahaan, oo isugu jiray, 13,000 oo Ari ah, iyo 2435 oo Geel ah, waxaana Xoolahaan loo dhoofiyay wadamada, Sacuudiga, Imaaraadka, Masar, Lubnaan, iyo Baxreyn.

20-kii sano ee lasoo dhaafay Xoolaleeydan maysan awoodin in Xoolahooda ay u dhoofiyaan dibadda, sababo la xiriira dagaalo iyo qalalaaso kajiray wadanka, laakiin hada waxaa soo hagaagay amaanka qaybo kamid ah Soomaaliya, taasoo markale u sahleysa in Xoolahooda ay u dhoofiyaan wadamada Carabta, oo iyagu aad u iibsado Xoolaha Afrika.

Dhoofinta Xoolaha nool, waa ganacsiga kaliya ee u haray dhaqaalaha Soomaaliya ee bur buray, ganacsatada waaweyn iyo xoolaleeyda Soomaaliyeed ayaa aad usoo dhaweyay tallaabadan dib loogu bilaabay dhoofinta Xoolaha nool, waxayna qayb ka qaadan doontaa inuu soo kobco dhaqaalaha iyo dib u dhiska wadanka.

Sidoo kale Xukuumada Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dhoofinta Xoolaha nool, R/wasaare Saacid ayaa isagu sheegay in wadanku uu si tartiib tartiib ah usoo laabanyo, waxana uuna ka dhawaajiyay inuu rajeynayo, in dhoofinta Xoolaha nool ay kaalin ka qaadan doonto dib udhiska wadanka.

Kahor intaan dekeda Muqdisho laga dhoofin Xoolahaan, ayaa waxaa lagu sameeyaa baaritaan Caafimaad, iyadoo la marsiiyo xeerka Caalamiga ah, waxaana laga baaraa Cudurada qaar, iyadoo dhawaana Muqdisho laga furay xaruun lagu baaro xoolaha nool.

Xukuumada ayaa sheegatay, in mashruucaan dhoofinta Xoolaha nool, uu qayb kayahay mashaariic waaweyn oo loogu talagalay in dib loogu soo nooleeyso dhaqaalihii Soomaaliya ee bur buray.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here