Doowlada ingiriiska oo xaqiijisay in ciidamo ay kajogaan Soomaaliya

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Afgooye lagu arkayay ciidamo British ah oo aad uqalabeysan isla markaasna wata qoryaha dagaalka ee fudfudud,waxaana arinkan uu soo ifbaxay kadib markii AL-shabaab ay ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM goor sii horeeysay magaalada afgooye kalawareegeen.

Wasaarada gaashaandhiga ingiriiska ayaa markii ugu horeesay maanta oo khamiis ah khiratay in ciidamo ay kajoogaan koofurta soomaaliya qaasatan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda,islamarkaasna ay garab siinayaan ciidamada Amisom iyo kuwa doowlada Soomaaliya,doowlada ingiriiska waxay sheegtay in ciidamadaas aysan ahayn kuwa dagalama balse ay yihiin tababaraayaal oo kaliya.

Ciidamada ingiriiska ee kusugan magaalada Afgooye maahan kuwo dagaalama ee waa kuwo ujooga tababar oo kaliya waa sida lagu yiri warbixinta wasaarada arimaha gaashaandhiga ingiriiska.

Al-shabaab ayaa waxay maamushaa qeybo badan oo kamid ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya iyagoo doonaya ineey ka aas aasaan mad-habka wahaabiyada sacuudiyaanka,waxaana ay uu hadda dagaalo farabadan kaga furanyahay qeybo badan oo kamid ah dhulalka ay kataliyaan iyadoo bilihii ugu danbeeyay ay ciidamada isgarabsanaya ee AMISOM iyo kuwa doowlada KMG ay si isdaba joog ah kaga qabsanayeen magaalooyin istiraatiiji ah sida Afgooye,Balcad,Baydhabo,B/weyne iyo magaalooyin kale.

Doowlada ingiriiska ayaa go’aan ku gaartay ineey mareeykanka kala qeyb qaadato ladagaalanka waxa ay ugu yeeraan argigixisada geeska africa kadib shir kadhacay magaalada London ee xarunta wadankaas oo looga hadlayay mustaqbalka wadamo badan oo afrikaan ah, waxaana soo xaadiray inkabadan 40 wadan, sidoo kale waxaa goobjoog ahaa wakaalado doowli ah sida Baanka aduunka,QM.

Ra’iisul wasaaraha dalka ingiriiska Devid Camiron oo shirkaas kahadlay waxa uu yiri “waxaan taageeri doonaa doowlada cusub ee soomaaliya udhalan doonto marka uu dhamaado waqtiga doowlada KMG taasoo ku eg bisha Augusto ee soosocota”.

Siidokale Camiron waxa uu sheegay in doowlada cusub ay soomaaliya yeelan doonto 30% ay haweenku ahaan doonaan islamarkaasna loobahanyahay ineey matalaan dhamaan qeybaha kala duwan ee soomaalida sidookale waaa ineey ahaataa buu yiri mid ka nasahan musuqmaasuq.

Golaha ammaanka ay kulankaas ku go’aamiyay in ciidamada AMISOM lagaarsiiyo ilaa 17731 askari halka ay ka ahaayeen 12000 oo askari,waxaana qorshahaas gadaal kariixayay doowlada ingiriiska.
Sidookale doowlada ingiriiska waxay horay uqiratay ineey saldhig sirdoon kafuratay jasiirada Seychelles oo kutaalo waqooyiga Madagascar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here