Doowlada Ingiriiska oo Safaarad Kafuranaysa Magaalada Hargaysa

War kasoo baxay wasaarada arimaha dibada UK ayaa lagu sheegay in dhowaan Dowladda UK ay qunsuliyad kafuraneyso maghaalada Hargaysa ee maamul goboleedka Somaliland.

Danjiraha dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Matt Baugh oo xaruntiisa ay hadda tahay magaalada Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ku tala-jirto siddii qunsuliyad ay uga furan lahayd magaalada Hargeysa.

Danjire Baugh, oo ka qeybgalaayay bandhigga buugaagta ee Hargaysa oo wali socda, ayaa sheegay in dowladiisa ay aad ula socoto ammaanka iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, siddaas darteedna ay keeni karto ayuu yiri in ay qunsuliyad ay ka furtaan Hargeysa.

Wuxuu sheegay in hadda howasha ugu badan ee Safaaradda UK ee Soomaaliya ka socoto Nairobi, laakin ay xarun ku lee yihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qunsuliyaddan ayaa waxa ay ka hoos shaqayn doontaa safaaradda UK ay mustaqbalka ku yeelan doonto Muqdisho. ayuu yiri dalnjire Baugh.

Matt Baugh, ayaa loo magacaabay safiirka UK ee Soomaaliya biloowgii sannadkan kaddib markii uu waraaqadiisa ka guddoomay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waa danjirihii ugu horreeyay ee u qaabilsan Soomaaliya muddo 21 sano ah.

Dowladda Britan aad ayey u kordhineysa xiriirka ay hadda la yeelaneyso Soomaaliya, waxa ay London ku qabatay bishii Febraayo shirweyne caalami ah oo ay ka qeybgaleen in ka badan 50-dowladood iyo hey’addo caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here