Doowlada Germany Oo Sameyneysa Shirkad Ladagaalanta Burcad-badeeda Soomaalida

Bayaan kaso baxay wasaarada dhaqaalaha dalka Germany ayaa lagu sheegay ineey kutalo jirto aas aasida shirkado ladagaalama Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida,burcadbadeeda ayaa qatar ku ahayd mudo farabadan maraakiibta ganacsiga doowlada jarmalka.

warbixin ay soo saartay dhowaan hay’ada QM uqaabilsan ladagaalanka Burcadbadeeda ayaa lagu sheegay in bilihii ugu danbeyay ay hoos udhacday weerarada burcadbadeeda 69% , balse sidaas ooy tahay qatarta burcadbadeeda waa mid taagan wali oo mararka qaar waxay geystaan weeraro lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha badweynta India iyo gacanka cadmeed.

Otto oo ah afhayeenka wasaarada ganacsiga Jarmalka ayaa waxa uu sheegay in shirkadaan ay gacan ka geysan doonto ilaalinta maraakiibta gaaanacsiga Jarmalka ee mara Badweynta india iyo Gacanka Cadmeed, sidookale waxa uu sheegay in lasameyn doono wadooyin cayiman oo ay mari doonaan maraakiibta si looga fogaado qatarta burcadda.

Ololaha midowga EUROPE ay kawadaan biyaha Somaaliya ayaa qaarkood noqday kuwo miro dhalay, iyagoo hoos udhigay weerarada Burcad badeeda Somaalida ay ku qaadi jireen maraakiibta ganacsiga ee adeegsata biyaha Soomaaliya.

“Taariikhda laguma haayo markab ay lasocdaan ilaalo diyaarsan oo ay duubteen burcabadeeda” sidaa waxaa yiri Otto.

Shirkadaha Jarmalka ee kashaqeeya arimaha maraakiibta iyo ganacsiga ayaa ah shirkadaha ugu badan dunida ee isaga kala goosha biyaha caalamka sidaas darteed ayaana dowolada jarmalka ku qasabtay ineey kafakarto sidii ay usameyn lahayd shirkado ilaaliyaha maraakiibta ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here