Doowlada Federaalka oo joojisay duullimaadyadii Hargeysa & Muqdisho

A group of Somali nationals arrives in Mogadishu airport after fleeing fightings in South Sudan on December 30, 2013
A group of Somali nationals arrives in Mogadishu airport after fleeing fightings in South Sudan on December 30, 2013

War qoraal ah oo kasoo baxay  xafiiska Agaasimaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalku si ku-meelgaar ah u joonineyso dhamaan duulimaadyadii u dhexeeyey Muqdisho iyo Hargeysa.

Warqadda ka soo baxdey xafiiska Gen. Gaafow ayaa amar lagu siinayaa shirkadaha Duulimaadyadu in ay muddo 21 cisho ah gudahood ku jojiyaan dhamaan duulimaadyadaas, taas oo ka bilameysa 22.02.2016

Go’aankan ayaa daba socda go’aamo ka soo baxay Somaliland, kaas oo la xiriira in dadka lagu khasbaayo in ay goostaan warqad la yiraahdo Go Home, lacag dheeraad ahna laga qaadayo, sida lagu sheegay amarka ka soo baxay Gaafow.

Maamulka Somaliland ayaa dadka ka soo jeeda gobolada Konfureed ee Soomaaliya ku amartey in ay qaataan Visa ama oggolaansho si ay ugu noolaadaan gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland).

Gen. Gaafow ayaa sheegey in xanibaadu soconeyso tan iyo inta laga xalinaayo caqabadaha jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here