Doowlada Canada oo sharci kasoo saareysa Dadka doonaya ineey dhintaan

150911153157_assisted_dying_campaigners_london_640x360_getty_nocreditCanada ayaa ku biirtay waddamo tiro yar oo dhakhaatiirta u ogolaaday, in ay dadka aadka u xanuunsan ee aan rajada ka qabin bogsoosho, ka caawiyaan sidii ay u dhiman lahaayeen.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid ay taageersan yihiin inta badan dadka Canada, waxaana ay dooddu ku qotontay in hindise sharciyeedka cusub lagu daro dadka aadka u xanuunsan, balse aan qarka u saarneyn geerida.

Wasaaradda cadaaladda ee dalkaasi ayaa sheegtay in dowladda ay isu dheeli tirtay xorriyadda dadka doonaya in nafta laga gooyo iyo difaacida dadka nugul.

Kooxaha u doodda xuquuqda dadka rayidka ee Canada, ayaa sheegay in sharcigan cusub uu xanuunka ku sii badinayo dadka qaba cudurada sahlan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here