Doorashooyinki ugu xiisaha badnaa muso danada ah oo Axada ka dhici doona France

Nicolas Sarkozy iyo Francois Hollande ayaa ku jira waqtiyadi ugu danbeeyey ee olalahooda doorashooyinka, xilli Axada ay ka bilaaban doonaan dalka France mid ka mid ah doorashooyinki ugu xiisaha badnaa ee sanadahan danbe ka dhaca dalkaasi.

Fikrado dadka laga aruuriyey ayaa muujinaya in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu haatan soo jaray farqigi badnaa ee uu ka sareeyey Mr Hollande, inkastoo uu Hollande wali uu wax yar dheeryahay gaar ahaan 6%.

Dadka wax taxliiliya ayaa sheegaya in madaxweynaha France uu u baahnaan doono nasiib weyn si uu guul lama filaan ah uga soo hooyo doorashooyinka Axada soo aadan.

Waxa uu jab weyni kasoo gaaray kadib marki hogaamiyaha garabka dhexe Francois Bayrou, oo helay codad dhan 9.1%  uu taageeray Mr Hollande.

Wareysi uu siiyey idaacad Faransiis ah maanta ayuu Mr Sarkozy ku sheegay inuu soo dhisi doono dowlad mudo 48 saac gudahood hadii mar kale lasoo doorto, waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu qudbad ka jeediyo halka loo yaqaano Sables d’Olonne oo ku taala galbeedka France.

Mr Hollande ayaa isna u socdaalayo Moselle si uu u sameeyo ololahiihi ugu danbeeyey ee xaga doorashooyinka oo ku eg caawa habeen barka xilliga dalka Faransiiska.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.