Doorashooyinka goleyaasha deegaanka Puntland oo la shaaciyay xilliga la qabanaayo

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Prof. Maxamed Xasan Barre
Guddiga doorashooyinka golaha deeganka maamulka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay xilliga la qabanaayo doorashadda golaha deeganka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Prof. Maxamed Xasan Barre oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dood dheer kaddib xubnaha guddiga ay isku af-garteen in doorashadu ay dhacdo 30-ka June.

Prof. Maxamed ayaa sheegay inay madaxweynaha u gudbiyeen go’aankooda, isagoo ka jawaabayana soo jeedintooda, madaxweyne Faroole ayaa wareegto uu ku saxiixan yahay wuxuu ku oggolaaday xilliga loo qabtay doorashada deegaanka.

“Markaan si qoto dheer u darasney guddigu waxa uu go’aamiyey inay dhacdo doorashada golayaasha degmooyinka Puntland 30-Ka June,2013” ayuu yiri gudoomiyuhu.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in madaxweyne Faroole uu guddiga u sheegay in wareegto ka soo saaray markii guddiga uu shaaciyo xilliga la qabanaayo doorashadda.

Doorashooyinka ayaa ka dhici doona dhammaan degmooyinka Puntland, waxaana la rabaa inay ka soo gudbaan saddexda xisbi siyaasadeed ee ugu taageerada badan, kuwaas oo markaas kaddib u tartami doona kuraasta baarlamaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here