Doorashooyinka doowlada hoose oo saakay ka bilaawday Somaliland

Dadka rees Somaliland ayaa saakay u dareeray goobaha cod bixinta si ey u doortaan maamulada dowladaha hoose

Dad reer Somaliland ayaa saakay u dareeray goobaha cod-bixinta  doorashooyinka dowladaha hoose.

Goobaha Codbixinta ayaa furmay saakay lixdii subaxnimo iyadoo dadku ay bilaabeen dhiibashada codadka todobadii subaxnimo.

Magaalooyin ka mid ah Somaliland oo shalay ay rabshado ka dhaceen ayaa saakay degenaa markii ay goobaha codbixintu furmayeen.

Meelo badan oo ka mid ah deegaannada Somaliland ee ay doorashadu ka qabsoomayso ayey dadweynaha ku dhaqan qaarkood hore saluug uga muujiyeen tirada goobaha loogu talagalay inay ka codeeyaan oo ay ku cabanayaan inay ku yar-yihiin marka loo eego bulshada ku dhaqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here