Doorashada xubno katirsan aqalka Hoose oo maanta ka dhaceysa Cadaado

cadaadoDoorashada 8 Kursi oo aqalka Hoose katirsan ayaa lagu wadaa ineey maanta ka dhacdo magaalada Cadaado ee Xaruunta maamulka Galmudug.

Khamiistii lasoo dhaafay ayaa la doortay 3 kamid ah xubnaha aqalka Hoose u matalaya Galmudug. Guddiga doorashada dadban ayaa sheegay inay diyaar yihiin 19-kursi oo ay u tartamayaan Musharaxiin dhowr ah oo isa soo diiwaan geliyay, kuwaasoo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, waxaana maalmaha soo socda lagu tartami doonaa kuraasta aqalka Hoose.

Illaa 51 ergo ayaa dooran doonta kursi walba oo ka tirsan Aqalka Hoose, iyadoo Musharaxiinta ay ugu jiraan dadaalo ay ku doonayana inay ku kasbadaan cododka ergooyinka, waxaana ka marneyn dhaqaale aad u fara badna oo lagu bixinayo.

Sidoo kale Musharaxiinta qaar ayaa la sheegayaa inay horay u qorteen ergooyinka dooranaya, si ay ugu codeeyan, waxaana jira cabasho ay ka muujinayaan Musharaxiinta kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here