Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa la filayaa in Maanta oo Talaado ah ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland iyo ku xigeenkiisa.
Doorashadaan oo ka xasaasisan tii 2014kii ayaa waxaa u sharaxaan 21 musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo 11 Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Shalay ayaa la soo geba gabeeyay dhageysiga Khudbadaha musharixiinta Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa,waxaana xalay siweyn doorashada looga dareemay Magalada Garoowe.
Ka sokoow doorashada Ammaanka Magalada Garoowe aad ayaa loo adkeeyay,waxaana Magalada ka dhaqan galay Bandow ay laamaha Amniga kusoo rogeen.
Hoos Ka Akhriso Magacyada musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.
1:Saciid Abdullahi Deni
2:Ali Abdi awaare
3:Asad Cismaan Abdullahi
4:Saciid Maxamed Xirsi
5:Cali Xaaji Warsame
6:Maxamed Axmed Jaamac shaale
7:Maxamed xirsi moorgan
8:Abdi Faarax Juxa
9:Dr Bashiir Maxamed Xuseen
10:eng Maxamuud khaliif Jabiye
11:Faarax Cali Shire
13:Abdisamad Mohamed Gallan
14:Maxamuud Cabdi Axmed Garlibaax