Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya la qaban doono 10-ka bisha Spetember oo ku beegan maalin Isniin ah.
Guddigu waxa ay sheegeen in ay qaban doonaan araajida dadka u sharaxan Madaxweynaha Soomaaliya, 3 bisha ilaa 6 September.
Ilaa hadda, in ka badan soddon Soomaali ah ayaa sheegay inay u taagan yihiin doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in markii ugu horeesay mudo 20-sano ah kadib magaalada Muqdisho lagu dooran doono Madaxweyne uu yeesho dalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com