Doorashada Jabuuti oo maanta dhacaysa

DAEB20C6-31AF-43F1-8424-FAA426C06A28_w640_r1_sJamhuuriyadda Djibouti waxaa barri ka dhici doonta doorashada madaxtinimada, waxaana la filayaa in mar kale dib loo soo doorto madaxweynaha talada haya Ismaacill Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa waxaa doorashada kula loolamaya illaa lix musharax oo kale.

Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in dhamaan ay diyaar yihiin agabkii doorashada, waxayna sidoo kale dadka ka codsatay in amniga la ilaaliyo.

Dhinaca kale, Jaamac Amare Maydal, oo ka mid ah dalada mucaaradka USN, ee garabka musharraxa Cumar Cilmi Kheyr ayaa sheegay inay doorashada diyaar u yihiin, balse waxay ka digeen in natiijada doorashada lagu shubto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here