Doorashada gudoomiyaha Baarlamanka oo markale dib loo dhigay

Gudiga doorashada baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in muddo labo maalmood ah dib loo dhigey qabashada doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Guddiga oo dhowaan ay iska dhex doorteen xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dib loo dhigay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka muddo labo cisho ah lana qaban doono 28ka bishan aynu ku jirno.
.
Waxaa soo baxayay maalmihii la soo dhaafay inay suurtogal ahayn in la qabto doorasho baarlamaan iyadoo aan lasoo dhamaystirin xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 275 xubnood.

Waxaana taagan weli muranka ku saabsan soo dhamaystirka xubnaha ka dhiman baarlamaanka oo guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka ay diideen inay ansixiyaan magacyada hogaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho oo iyagu ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka.

Balse illaa iyo hadda ma muuqato in xal laga gaaray arintaas iyadoo dib udhaca xilliga qabashada guddoomiyaha baarlamaanka ay sababtaas ka mid tahay sababaha ugu waaweyn, waxayna haddii aan la qaban guddoomiyaha baarlamaanka doorshadiisa ay dib u sii dhigi kartaa mudada xilliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

26-Ka bishan Augusto ayay ahayd xiliga loo asteeyay ineey qabsoonto doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka,balse wali masuurta galin oo waxaa taagan muranka ku aadan soo dhameystirka xubno wali kadhiman baarlamanka kuwaas ooy kudhaganyihiin gudiga sooxulista Baarlamanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here