Doonyo lagu soo kordhiyey damaashaadka Xeebta Liido (Cod +Sawiro)

Xeebta liido ee dgamada Cabdil Casiis magaalada Muqdisho ayaa jimcihii shalay waxaa lagu soo bandhigay doonyo loogu talagalay in lagu soo badbaadiyo markii ay qatar soo wajahdo dadka dabaalanaya.

Doonyahan ayaa waxaa soo bandhigay maamulka Degmada C/casiis iyo maamulka Gobolka Benaadir kuwaasi oo sheegay in ay ugu tala galeen in lagu badbaadiyo dadka aanan dabaasha aqoon iyo kuwa halista gala.

Dhageyso codka gabar ka mid ah dadki shalay ku dabaashay xeebta Lido

[powerpress]

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in doonyahan ay ka mid yihiin qoryshayaal badan oo loo sameeyey xeebta kuwaasi oo sidoo kalana ay qeyb ka yihiin ciidamo suga amaanka xeebta liido.


Qeeybihii warbaahinta ee shalay joogay xeebta liido ayaa waxay raaceen doomaha lasoo bandhigay waxaana socdaalka ay badda ku galeen kuwehliyay masuuliyiin katirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo askar loo tababaray ineey soo badbaadiyaan dadka kudhaca badda.

Xeebta liido ayaa jimcooyinkii ugu danbeeyay waxaa jirtay ineey usoo damaashaad tagaan dadweeyne aad ufara badan oo kakala imaanayey Muqdisho qeeybaheeda kala duwan kuwaasoo isugu jira rag iyo dumarba iyo caruur.

Dadki ugu badnaana waxay ahaayeen qurba joogta oo marka ay caasimada yimaadaan horay ka abaaro xeebta liido.

By:  Saami Addow Ahmed

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.