Dooni Hub Uwaday Al-shabaab oo lagu qabtay Xeebaha Puntland

Saraakiisha puntlad ayaa soo bandhigay Dooni hub iyo walxaha qarxa usiday Al-shabaab isla markaasna katimid wadanka Yeman.

sideey sheegeen saraakiisha puntland Doonidan ayaa waxay ciidamada ammaanka ku qabteen deegaanka Caluula.

G/sare Max’ed Cali Xaasi oo ah taliyaha ciidamada ammaanka ee dekada Boosaaso ayaa gelinkii dambe ee shalay saxaafadda u soo bandhigay Doonidaasi iyo hubkii ay wadday taas oo u socotay argagixisada Somalia kana timid dalka Yemen.

“ Doonidan waxey aheyd nooca dheereeya oo ay ku xiranyihiin Laba Matoor, waxeyna ka timid dalka Yemen iyadoo ay wateen Laba nin oo mid Somali yahay halka midka kalena uu u dhashay Yemen, hase yeeshee waxaa gacanta lagu hayaa ninkii Yemeniga ahaa Somaligiina waan ku raadjoognaa”  ayuu yiri taliye G/sare Maxamed Cali Xaasi.

Doonidan laqabtay ayaa waxaa saarnaa hub aad u farabadan iyo laba jawaan oo ay kabuuxdaan budada laga sameeyo walxaha qarxa.

Waa markii ugu horeesay ay ciidamada ammaanka puntland gacanta ku dhigaan dooni ay saaranyihiin hub iyo walxaha qarxa islamarkaasna usocotay Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here