Doon Hub ka qaaday Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Yeman

Doontaan ayaa la sheegay ineey ku xiratay dekad ku taal gobolka (Ticis) ee dalka Yeman, waxaana doontaan ay watay Kunteenaro ay ku jiraan Hub, waaxana la sheegay ineey u waday dagaalyahano xiriir la leh Al-shabaab oo ka dagaalamada dalka Yeman.

Doontaas ayaa lasoo sheegayaa ineey waday ilaa 12 Kunteenar oo Hub ah, waxaana dad ku sugnaa goobta doonta ay kusoo xiratay, ayaa warbaahinta dalka YEMAN u xaqiijiyay in Hubkii saarnaa doonidaas si qarsoodi ah looga dajiyay.

Doonidaan ayaa la sheegay ineey ahayd nuuca dhex dhexaadka ah, islamarkaasna ay ka shiraacatay gudaha dalka Soomaaliya, waloow aan si rasmi ah loo sheegin goobta ay sida rasmiga ah uga shiraacatay, hadana waxaa la’aaminsanyahay in doonta ay Hub u waday dagaalyahano xiriir la leh Al-shabaaboo ku sugan gudaha wadankaas Yeman.

Waxaa la’aaminsanyahay in dagaalyahano farabadan oo Al-shabab ka tirsan, kana amba baxay Soomaliya ay gaareen gudaha dalka Yeman, islamarkaasna ay garab siinayaan Ururka Al-qacida ee ka dagaalamaya wadankaas, tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay Al-shabaab ku biireen Al-qacida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here