Doodi ugu horeysay oo dhexmartay Barak Obama iyo Romney

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyo musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney ayaa xalay doodi ugu horeysay ku dhexmartay Mareykanka taasi oo ka mid ah sadex dood oo loo qorsheeyey in ay yeeshaan ka hor doorashooyinka dalka Mareykanka ee sanadkaan.

Dooda oo socotay 90 daqiiqo ayaa waxaa gabi ahaanba looga hadlay sadex qodob oo kala ahaa canshuuraha, daryeelka caafimaadka iyo doorka xaga dowlada.

Mr Romney ayaa sheegay in Dowlada uu maamulo ninka ay sida aadka ah u tartamayaan ee Obama ay ku caan baxday dowlad xooga aanan saarin baahiyihi ay dadka qabeen, halka Obama uu ku eedeeyey Mr Romney nin raacay siyaasadi Bush ee xumeysay dhaqaalaha dalka.

Mr Obama ayaa wax yar kaga horeeyo saadaasha codadka Mr. Romney bishi lasoo dhaafay, doodi xalayna labada nin aad ayey isugu dhawaayeen, waxaa kale oo intaasi sii dheer in cod bixinta saadaalinta qaranka inuu Obama uga horeeyo Romney.

Doodi xalay waxaa loo arkaa in ay fursad uu dib uga soo kabsan karo Mitt Romney asbuucyo ay taageeradiisa hoos u dhac kadib hadalo laga duubay oo uu ku yareeyey dadka faqriga ah.

Doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka ayaa bilaaban doonto bisha November ee sanadkaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here