Dood yaab leh oo dhex martay Shariif Xasan iyo wasiirka dastuurka

Mid ka mid ah muraashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dooday in aanan wax shahaada ah lagu xiran dadka isu soo taagayo xilka madaxweynaha.

Idaacada Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha xiligan ugu afka dheer magaalada Muqdisho ayaa soo deysay cod mudo ilbiriqsiyo ah socday oo laga duubay dood dhaxmareyso gudoomiyihi hore ee baarlamaanka Sharif Xasan Sh Adan iyo Wasiirka Dastuurka, C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Shariif Xasan ayaa aad ugu doodayo in ay dhib iyo lug gooyo tahay in musharaxiinta lagu xiro shahaadooyin, isaga oo intaasi raaciyey in shahaadooyinka ay yaalaan suuqayada lana soo iibsan karo.

“Waxaad sheegeeysin suuq ayey wada yaalaan, wixiina waa xujo waxaana arki doonaan wiilasha aad dhaheysaan awood haloo yeelo,” ayuu yiri Shariifka, halka Mr. Jibriil uu isna ugu jawaabayey in ay waajib tahay in qofka madaxweynaha noqonayo uu heysto shahaadooyin sax ah.

Codka laga qabtay Sharif Xasan ayaa ahaa u muuqday in lagu duubay si qarsoodi ah, idaacaduna ma aysan sheegin cida ay kasoo xigatay iyo halka uu Shariifka warkaasi ku sheegay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here