Dood kulul oo dhexmartay Ra’iisul wasaare Sharma’arke iyo Xil. Dalxa.

Omar Abdirashid Ali Sharmake Somali Prime minister
Omar Abdirashid Ali Sharmake Somali Prime minister

Ilowareedyo hoose oo katirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa noo xaqiijiyay in dood aad u kulul oo ku saabsan weerarkii ay maalmo kahor ciidamada NISA ku qaadeen Xaflad ka socotay Safaarada ay Iiraan ku leedahay Magaalada Muqdisho, taasoo la sheegay ineey faafineysay Mad’habka Shiicada.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ahaa masuuliyintii lagu martiqaaday xafladaas oo ay kala eryeen ciidamada NISA, ayaa falkaas si weyn uga carooday, waxaana la sheegay ineey dood kulul dhexmartay isaga iyo Ra’iisul wasaaraha.

Xildhibaan Dalxa, ayaa la sheegay inuu ku dooday, in sharaf darro ah loola dhaqmay oo aan lagu xushmeyn inuu kamid ahaa masuul katirsan DF oo ka qeyb galay xaflada, sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa cadeeyay ineeysan meesha ka jirin faafinta Mad’habta Shiicada.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Sharma’arka, ayaa la sheegay inuu Xildhibaan Dalxa u cadeeyay, ineey qalad weyn ahayd inuu ka qeyb galo xaflad nuucaas ah, wuxuuna ku adkeystay in amarka lagu joojiyay uu isaga bixiyay, maadaama xogag hoose oo soo gaaray ay sheegayeen in Safaarada Iiraan ay in mudo ahba ku howlaneed faafinta Mad’habta Shiicada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here