Dood cilmiyeed maanta Muqdisho loogu qabtay in ka badan 150-dhalinyaro

Wajiga labaad dood cilmiyeed halku dhigiisa ahaa Yaanan qarsan dambiilayaasha Ajaaniibta iyo Hor-joogayaasha Shabaab oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka Bulshada ayaa maanta loogu qabtay Hotelka Saxafi in ka badan 150-dhalinyaro, iyadoo ay ka qeyb galeen Xildhibaano iyo Odayaasha dhaqanka, iyo Ugaasyo.

Ugu horeyn dood cilmiyeedka ayaa waxaa furay Islow Maxamed Yuusuf Cali oo ah Wakiilka Imaamka ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin mustaqbalka dalka, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan wada jirka dalka, nabadana inay hormuud ka noqdaan.

“Marka ugu horeysay waxaan taageereynaa howl galada dalka ka socda, oo hada meel fiican maraya, waxaa la gudboon dhalinyarada inay wada jirka isku kaashadaan, nabadana ay hormuud ka noqdaan”ayuu yiri Islow Maxamed Yuusuf oo u mahad celiyay Hey’adda CCD.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay qodob ka mid ah dood cilmiyeedka ayaa sheegay in muhiim tahay in wax laga iftiimiyo in dhalinyarada ay ka feejignaadaan in la marin habaabiyo, isagoo xusay in dalka uu leeyahay cadaw, isla markaana aan la qarsan.

“Hadaad cadawga qarsato, adiga ku dilaa, marka dowladaha saaxibka nahay waxaa iska kaashaneynaa sidii aan ula dagaalami laheyn, 3-sano u dambeysay maalin dagaalka lagama nasan, 20-kii sano u dambeeyay dagaalada, in hada la soo afjaro guul ayay noo tahay, kuwa Shabaabka anaga iska dhicin karnee, ee nimanka Ajaaniibta ee Al-Qaacida in caalamka nagu gacan siiyo sidii loola dagaalami lahaa”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Mar uu ka hadlay diyaaradaha aanay cidina wadin ee beegsiga ku haya Hogaamiyaasha ajaaniibta ayuu sheegay in taas fursad loo arkay, wax weyna ka tartay sidii lagu cirib tiri lahaa, kuwa dhuumaaleysanaya.
Sheekh Axmed Abuukar Gaabow ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay buuxiyaan kaalintooda ku aadan sidii nabad iyo xasilooni dalka loogu soo dabaali lahaa, isagoo xusay in dhalinyarada looga baahan yahay inay midoobaan.

Mid ka mid ah ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedkan oo ka mid ahaa dhalinyarada Anwar Muxiyadiin Xasan ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool ahaa oo ku aadanaa in dhalinyarada la marin habaabiyo loo furo goob lagu wacyi geliyo, isla markaana Culimada ay kordhiyaan wacyi gelinta, shaqooyina loo abuuro.

Sidoo kale Mr Mahad oo ka mid ah Saraakiisha Hey’adda CCD ayaa sheegay in dhibaatada dhalinyarada heysata ay qeyb ka tahay Tahriibka, isagoo xusay in dhalinyaro badan ku dhamaadeen Badda, si ay qurbaha u tagaan, waxaana uu tibaaxay in qurbaha isaga ku noolaa, waxaana uu soo hadal qaaday burcad badeednimada inay qeyb ka noqotay dhibaatada dhalinyarada.

Afhayeenka Qowmiyada Banaadiriga C/llaahi Sayid Xaaji iyo Nabadoon Khaalid Cabdi Jimcaale ayaa labadaba sheegay in loo baahan yahay in odayaasha dhaqanka isu taagaan, sidii dhalinyarada haraadiga ku ah Shabaab looga soo bixin lahaa.

Sheekh Maxaadeey Maxamuud Jilicow oo isna ka jeediyay dood cilmiyeedka kalmado diini ah ayaa kula dar daarmay dhalinyarada inay Alle ka cabsiga badiyan, isla markaana Towbad keenaan, waxaana uu ka dhawaajiyay in dhalinyarada isku xirnaadaan mar walba,

Ugu dambeyn dood cilmiyeedkan ayaa ka qeyb ka ahaa dood cilmiyeedyo Hey’addu horay ugu qabatay dhalinyaro, si dhalinyarada ay u yeeshaan door hogaamineed, dalkana ka samata bixisa dhibaatada, isla markaana aan loo adeegsan dagaalada iyo hurinta colaadaha.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. waa fikrad fican. In an la qarsan dambiila yalka. Shabaabka horkaca. Waxaase isweydin mudan. Sidee laga yeli dambiila yalka. qabqablayaasha daagaladii somaliya. sawabta u ahaa burburka wadanka. Barakaca muwadininta somaliyed. Ma waxaad ina ilowsineysan da’yartii ku la atay badaha. Intey ka didayen dagaal ogayaalkii. Marna an u diir nixin umada somaliyed. Kuwaa waxey xubno sarsare ka yih dowlada hatan somaliya ka jirta. Arigtida dhalinyarada qurba jogta south africa. Waxey cadaalad u arkan. In si degdeg ah maxkamad lagu soo taago ku waa.

Comments are closed.