Dood cilmiyeed looga hadlayay xiriirka ka dhaxeeya, Macalinka Waalidiinta iyo Ardayga oo maanta Muqdisho lagu qabtay [Sawiro]

Dood cilmiyeed looga hadlayay sida ugu haboon ee Ardayda looga bad baadin karo in la marin habaabiyo oo ay ka qeyb galeen Macalimiinta Dugsiyada Quraanka iyo Culumaa’udiin ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Dood cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa xubnaha ka qeyb galay oo ka kala socday Macalimiinta Dugsiyada quraanka iyo Ardayda ayaa ka qeyb galayaasha ku dheeraadaan isku xirka Macalimiinta, waalidiinta iyo Ardayda.

Ugu horeyn waxaa laga jeediyay Saliga Nabigeena Muxamed (CSW) oo dhamaan ka qeyb galayaasha ay ku muujinayeen Ixtifaalka Mowliidka Nabiga (CSW), waxaana Afhayeenka Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Sheekh C/qaadir Soomow uuka qeyb galayaasha xusuusiyay fadliga maanta ay leedahay ee Ixtifaalka Nabigeena Muxumed (CSW) ee dhalashadiisa, isagoo tilmaamay in maanta ay tahay maalin weyn, oo ah maalintii uu dhashay basharka aduunka ugu qeyrka badan.

Sheekh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in muhiim tahay in macalinka wada shaqeyn la yeesho waalidka, si Ardayga u helo waxbarasho nadiif ah.

“Dood cilmiyeedkan waxaa uu yahay mid aan uga doodeyno in Waalidiinta iyo Macalimiinta isku xirkooda wanaagsado, ardayga looga faa’ideysan waxyaabo qaldan in lagu marin habaabiyo inuu fuliyo, waa in aan laga faa’ideysan isku xir la’aanta waalidiinta iyo Macalimiinta”ayuu yiri Sheekh C/qaadir Soomow.

Sidoo kale Sheekh Soomow ayaa sheegay in waalidka uu aas aas u yahay bilowga caruruta, waxaana uu cadeeyay in lagama maarmaan ay tahay inay koontaroolaan ardayga iyo macalinka, si loo ogaado waxa la barayo, si gaar ahna loola socdo, si aan u dhicin in ardayga inta waxbarashada ku sii socdo la marin habaabiyo, ama dugsiga laga marin habaabiyo.

Sheekh C/qaadir Soomow ayaa ka codsaday Hey’adda CCD in Macalimiinta iyo waalidiinta u qabtaan siminaar ku aadan xiriirka Macalimiinta iyo waalidiinta doorka uga aadan in ardayda waxbarasho sax ah oo aan wado qaldan ku socon u heli lahaayeen, si ay u noqdaan jiil waxbarashadooda hagaagta.

Waxaa kaloo Dood cilmiyeed ka hadlay Sheekh Axmed Shuqul oo tilmaamay in waalidiinta ay hubiyaan caruurta dugsiyada dhigata, lana socdo waxyaabaha la barao, si dugsiga u noqdo mid kaamil ah oo caruurta lagu baro quraanka iyo Axaadiista Nabiga (CSW).

“Maalin dhoweyd Shabaab waxay macaliniinta dugsiyada quraanka ugu baaqeen in jihaad galo, waxay ka dhacday Ceelasha Biyaha iyo Afgooye, taasna waxaa la doonayaa in dugsiga lagu dumiyo, caruurtii iyo ardaydiina ay marnaansho dhanka waxbarashada ku timaado si loo qaldo”ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul.

Macalin Axmed Macalin Maxamed oo ah Gudoomiyaha Dugsiyada Quraanka Gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn sheegay in bulshada ay diinta fududeysatay, isagoo soo qaatay dhismayaasha dugsi quraanka ay yihiin goobo dadka aanay iska xil saaraan inay horumariyaan, waalidiinta oo caruurta ay soo dirayaan soo nidaamin sida uu yiri.

“Aniga sanadkii 2010 waxaan hayay dugsi quraan 280 arday dhiganeysay, hadana waxba kama haayo, marka hore dugsiyadii quraanka ayaa noqday mid dadka ay fududeystaan, in dugsiga yahay caro ama meel jiingad ah, caruurta waalidiinta soo diraya ama isagoo fiish indhaha ka yaala ama uusan nadaafad heysan, marka meeshaas ayay dhibaatada ka timid”ayuu yiri.

Macalin Axmed ayaa sidoo kale xusay in isaga uu dugsi quraanka uga tagay mid ka mid ah ardaydiisa oo uu uga cararay, kadib markii la qalday ugana goodiyay inuu dilayo, waxaana uu intaa ku daray in Magaalada Nairobi uu u qaxay, halkaasoo uu sheegay in saddex caruur ah oo Canada ka keeneen qoyskooda uu wax ku barayay.

Sheekh Axmed Siyaar oo ka mid ah Culimada macalimiinta ah ayaa sheegay in marka hore wanaagsan tahay in Ardayga Tarbiyada, si loogu horseedo in waxbarashadiisa ay noqoto mid wanaajisa noloshiisa, isagoo soo qaatay ardayda qaar oo la dagaalama macalimiinta ama caroota.

Waxaa kaloo hadal qiimo badan ka jeediyay dood cilmiyeedka Sheekh Muuuse Cagaweyne oo si gaar ah uga hadlay xiriirka waalidka iyo macalimiinta ee uga aadan Ardayga, waxaana uu xusay in macalimiinta qaarkood lagula xisaabtamo waxyaabaha ay barayaan ardayga.

Sheekh Maxamed C/raxmaan oo ugu dambeyn ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la weyneyno Dhalashada Nabi Muxumed (CSW), waxaana uu tilmaamay inay ku raariiqeysan tahay siirada Nabiga, iyo muhiimada Mowliid, isagoo cadeeyay sababaha Shabaab ku diidayaan dhalashada Nabiga inay ka soo horjeedaan Maxabada Nabiga.

Dood cilmiyeedkan ayaa qeyb ka ah dood cilmiyeedyo Hey’adda Wada hadalka bulshada qeybaheeda kala duwan u qabaneysay waxaana uu ku soo aadayaa, iyadoo Al-Shabaab dhowaan macalimiin badan oo dugsi quraan ah baraan jihaadka, kana qeyb qaataan dagaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.