Dood cilmiyeed looga hadlayay sida loo xoojin karo xiriirka ka dhaxeeya Hooyada iyo gabadheeda oo maanta Muqdisho lagu qabtay + Sawiro

Dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD oo ay ka qeyb galeen in ka badan 150-haween oo isugu jiray Hooyooyin iyo gabdho, ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Halku dhiga dood cilmiyeedkan oo ahaa sidee loo xoojin karaa xiriirka ka dhaxeeya Hooyada iyo gabadheeda si aan loo marin habaabin ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Agaasimayaal, Ururada Haweenka iyo Saraakiisha haweenka ee Ciidanka qalabka sida.

Ugu horeyn waxaa dood cilmiyeedka hadalo ku furtay Wasiiru Dowlaha Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Luul Cabdi Aadan oo uga mahadcelisay sida Hey’adda CCD mudnaanta u siisay Haweenka Soomaaliyed oo ay sheegtay in dhibaatada ugu badan ay la kulanto.

“Waxaan uga mahadcelinayaa sida Hey’adda CCD mar walba isu xilqaanto, iyo ka warqabkeeda Bulshada, gaar ahaan Haweenka Soomaaliyed oo ah tiirka Qoyska ku taagan yahay”ayay tiri Luul Cabdi Aadan oo sheegtay in mar walba Hooyada ay tahay mid gabadheeda koontarooli jirtay, hase ahaatee maanta ay jiraan daruufooyin heysta hooyada.

Luul Cabdi Aadan ayaa qeexday in Hooyada ay saameyn ku yeelatay dhibaatada iyo bur burka dalka ka dhacay, iyadoo tilmaamtay inay Asay qaaday, raggooda la dilay, maantana dhibaatooyinka jira uu ku dul habsanayo, gaar ahaan in aysan heysan dhaqaale, ama ay caruurteeda ugu maqan tahay sidii noloshooda ugu dabiri laheyd.

“Soomaaliya waxyaabaha hada jira dhaqankooda sinji uma laheyn, hooyo waa maskaxda dunida, in la iska war qabo waa wanaagsan tahay, gaar ahaan hooyada in gabadheeda ama caruurteeda ka war qabto waa lagama maarmaan, waxbarashadana ay ku koontaroosho”ayay tiri Luul Cabdi Aadan Wasiiru dowlaha Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Qoyska Sucdi Maxamed Cali ayaa sheegtay in aan la inkiri karin in haweenka ay saameyn ku yeelatay dhibaatada dalka ka dhacday, iyadoo soo qaadatay in gabdhaha ay xilligan Tahriibaan, iyagoo aan heysan dhaqaale, isla markaana inta ay ku guda jiraan tahriibka ay guursadaan ragga, halka qaar kalena lagu kufsado inta ay jidka ku sii jiraan.

Waxaa ay ugu baaqday Hey’adda CCD inay wacyi gelin u sameyso gabdhaha dhalinyarada ee qoysaskooda ka tahriibaya, iyagoo naftooda ku biimeynaya badaha iyo saxaraha, taasoo ay dhibaato hor leh ka soo gaarto.

Madaxa Haweenke ee Hey’adda CCD Sahro Maxamuud Amiin ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in la iska war qabo, hooyo walbana gabadheeda ka war qabto, waxaana ay tilmaamtay in hooyada inta ay ku mashquulsan tahay adeega guriga ama gabadheeda sidii ay ugu shaqeyn laheyd si ay u waxbarato ay dhici karto in la marin habaabiyo.

Sahro ayaa sheegtay inay gabadha lagu qanciyo inay nafteeda haligto oo is qarxiso lana yiraahdo 7-fac ayaa janno ka galeysa ay tahay mida keentay iska warqab la’aanta hooyada iyo gabadheeda, iyo in aysan ka war heyn duruusta lagu siiyo Dugsiga hadii ay yihiin xitaa mid qaldan.

Gabar ka mid ah ka qeyb galayaasha Dood cilmiyeedka kana mid ah gabadhaha wax ka bartay Jaamacadaha oo lagu magacaabo Najmo Cali Cadde ayaa sheegtay in gabdhuhu mar walba ay ka dambeeyan waalidkooda, iyadoo tilmaamtay in la helayo gabdho wanaagsan oo tubta toosan waalidkooda ku hogaamiya, halka ay jiraan gabdho kale oo dhibaato abuuraya, waxaana ay intaa raacisay in loo baahan yahay in la isku soo duwo, isla markaana la kulmiyo, si gabdhuhu u darsaan in dhibaatada dalka laga bixiyo, bedelkii ay noqon lahaayeen kuwo loo adeegsado hurinta colaadaha.

Sahro Cabdulaahi oo ka mida h Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in Hooyada ay mas’uuliyad ka saaran tahay wiilasha iyo gabadheeda, waxaana ay tilmaamtay in nabada sida lagu heli karo ay tahay in la is kaashado, lana isku xirnaado, gaar ahaan degmooyinka in xaafad xaafad iyo tabeelo tabeelo la isugu xirnaado.

Kadib khudbooyinka ay jeediyeen ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedka ayaa waxaa gabdhaha iyo hooyooyinka dhex martay dood la xiriirtay xaaladaha qoyska, gaar ahaan sida Hooyada uga warqabi karto gabadheeda iyo sida xiriirkooda loo xoojin karo, waxaana shan gabdhood oo ka qeyb galayaasha ahaa iyo shan maamooyin ay is weydaarsadeen dood kulul.

Ugu dambeyn dood cilmiyeedka ayaa ka qeyb galayaasha isugu jiray hooyooyinka iyo gabdhaha ay meel isla dhigeen iska war qabka qoyska iyo sidii hooyada iyo gabadha xiriirkooda u noqon lahaa mid joogto ah oo aanay dhicin in gabadhu loo adeegsado inay is qarxiyo ama ay dhibaato ay huriso.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.