Dood Cilmiyeed looga hadlay kobcinta Fanka Soomaaliyed oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay + Sawiro

Dood Cilmiyeed looga hadlayay Kobcinta iyo Tayeynta Fanka Soomaaliya oo muddo labo maalmood soconayay ayaa lagu soo gaba gabeeyay Xarunta Cilmi baarista iyo Wada tashiga ee CRD,, waxaana ka soo qeyb galay Abwaano, Fanaaniin, Muusikatayaal, iyo jilayaal.

Dood cilmiyeedkan ayaa waxaa uu ahaa mid talo iyo aragti la isku weydaarsaday, isla markaana la cabirayay caqabadaha hor taagan Fanka, waxaana ka qeyb galayaashii ay muujiyeen biseyl ah in Fanka dib boorka looga jafo.

Maareeyaha Wakaalada Murtida, Madadaalada iyo Farshaxanka Abwaan Cabdi Dhuux ayaa sheegay in la isugu yimid in qof walba ama fanaan kasta fikirka uu qabo la arko, isla markaana caqabadaha jira la ogaado, si Fanka loo kobciyo.

“Waxaa la isugu yimid meesha in wax la is weydiiyo qof walba fikirka uu qabo la arko, caqabadaha hortaagan waxaa ka mid ah, dagaalada kala qoqobnaanta, balaayada nagu soo duushay, waxaa la idinka rabaa inaa fikirkiina soo uruurisaan”ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhuux oo xusay in Fanka looga baahan yahay in dhanka wanaaga ah uu bulshada wax ka tuso.



Abwaan Cabdi Dhuux ayaa sheegay in Fanaaniinta waagii hore markii loo jeeday ay lahaayeen muuqaal qurux badan iyo Tiyaatarka oo aad u qurux badnaa, hada laakiin dhibaatooyinka dalka ka jira ay saameyn ku yeesheen Fanka



“Fanaaniinta Soomaaliyed markii loo jeedo muuqaal ahaan aad u qurux badan, meesha ay joogaan oo qurux badan, waxa ay umada u sheegayaan oo qurux badan, tiyaatarka ay ku shaqeyn jireen oo qurux badan, waxaasoo idil umadoodii oo midowday, colaada iyo mushkilada ku dhex jirta shisheeyaha ku soo duulay ka xorowdo, intaas oo nabad ah ayaa hada looga fadhiyaa”ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhuux.



Agaasimaha Hey’adda Cilmi baarista iyo Wada tashiga CRD Jibriib Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay inay qorsheynayaan iyaga oo kaashanaya Wakaalada Murtidada, Madadaalada iyo Farshaxanka in bandhigyo ay soo bandhigaan, kaasoo ay ka qeyb galayaan Hobolada kala duwan.



“Barnaamijyo sameynay, waxaa barnaamijkan wado wakaalada murtida iyo madadaalada, anaga CRD meel yar kaga jirnaa, laakiin barnaamijka mas’uuliyiinti qaranka joogto ayaga wado, ayaga kaalmo siinaa ayaga la shaqeynaa, hada waxaa jira afar barnaamij kooxihii qaranka wey badnaayeen sagaal kooxood ahaayeen, laakiin meel baan ka bilownay, waxaa laga bilaabay hoboladii waabari, Horseed, heegan, iyo Onkod, waxaa jira Iftin iyo Danan waxaan aaminsanahay afartii u horeysay ee lugaha ku taagnaa ayaa ku bilownay”ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Qaar ka mid ah Fanaaniintii iyo Abwaanadii ka qeyb galay ayaa xusay inay jireen caqabado kala duwan, hase ahaatee Fanka uu iminka awoodiisa yeelanayo, iyagoo soo qaatay in sideed bilood ka hor Fanka ahaa mid aad u hooseeyay, balse maanta uu gaaray meel sare ah.