Kulan looga hadlayo sidii loo adkeen lahaa amaanka wariyayaasha oo maanta muqdisho kadhacay

Dood cilmiyeed looga hadlayay sida loo adkeen karo ammaanka wariyayaasha,fanaaniinta,iyo hal abuurada ayaa maanta waxa uu kadhacay xarunta maamulka G/banaadir,dood cilmiyyedkan ayaa waxaa kasoo qayb galay,aqoonyahano,saxafiyiin,ururada bulshada rayidka, iyo maamulka G/banaadir.

Taliyaha hogaanka danbi baarista C/laahi Xasan Bariise ayaa waxa uu sheegay in dilka wariyayaasha iyo fanaaniinta lagu yareeyn karo in shacabka ay lashaqeeyaan hay’adaha ammaanka doowlada,iyo ineey soo sheegaan ama information kasoo gudbiyaan hadii ay arkaan Al-shabaab.

“Dilka saxafiyiinta, waxaa lagu yareen karaa shacabkoo nala shaqeeya,anaga kaligeen wax maqaban karno,indhaha ciidamada waa adinka,soo gudbiya qofkii amni daro ama qas wada” ayuu yiri Col. Bariise.

Sidookale qaar kamid ah wariyayaasha kaqeyb galay kulankaas ayaa doowlada kacodsaday in loo sharciyeeyo ineey hub qaataan,si ay naftooda udifaacaan marka qatar soo wajahdo.

Aqoonyahanada qaar oo iyagana meesha kahadlay ayaa soo jeediyay in ciidamo gaar ah loo sameeyo saxafiyiinta iyo fanaaniinta,maadama ay yihiin indhihii bulshada, isala markaasna wararka iyo xaqiiqda ay kahelaan.

Sidookale waxaa halkaas dhaliilo loogu soo jeediyay qaar kamid ah saxafiyiinta,oo lagu eedeeyay in naftooda ay ku haligaan qarashaad yaryar,waxaana loogu baaqay ineey ahaadaan dhexdhexaad isla markaasna ay soo gudbiyaan xaqiiqda uun.

Ma ahan kulankii ugu horeeyay ee nuucaan oo kale ah loogana hadlayo sidii loo adkeen lahaa ammaanka saxafiyiinta,waxaana ugu danbeeyay kulan ay maalmo kahor kadib dilkii majaajiliiste Marshaale isugu imaadeen agaasimayaasha warbaahinta muqdisho,kuwaasoo kadooday qaabkii lo yareen lahaay dilalka saxafiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here