Dood Cilmiyeed ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya Macalimiinta Dugsi quraanka, Waalidiinta iyo Ardayga oo Muqdisho lagu qabtay +Sawiro

Dood cilmiyeed cinwaankiisu ahaa sidee loo xoojiyaa xiriirka ka dhaxeeya Waalidka iyo macalimiinta Dugsi quraan, si caruurta u helaan fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Culumaa’udiinka Ahlusuna, Macalimiinta Dugsi quraanka iyo waalidiinta.

Ugu horeyn waxaa dood cilmiyeedkan ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD khudbadi u horeysay ku furay Sheekh C/qaadir Soomow oo ah Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa sheegay in halka bulshada ka caafimaadi karto uu yahay macalinka, inay ardayda baraan caqiiqdada saxda ah ee Diinta Islaamka waalidiintana ku koontaroolaan.

“Waa in ardayga la baraa xuquuqda dadka, waalidka iyo macalinka, si uusan naftiisa ugu qaribin, waa in la baro diinta iyo cilmiga inta Iskuulka aan la geyn”ayuu yiri Sheekh Soomow oo ugu baaqay waalidiinta inay ka war hayaan dhaq dhaqaaqa caruurtooda, iyo madaarista ay dhigtaan.


Waxaa uu ugu baaqay macalimiinta inay tubta toosan ku soo ridaan ardayda laga marin habaabiyay, ee fikirka qaldan lagu shubay, isla markaana xiriir wanaagsan la yeeshaan waalidiinta, si ubadku u qaado jid toosan.

Sheekh Axmed Shuqul oo isna ka hadlay dood cilmiyeedka ayaa sheegay in nasiib darada bulshada ku dhacday ay tahay halkii ubadka ka dhismayay in la bedelay, gaar ahaan madarasada uu wax ku baranayay, isagoo xusay inay soo baxeen jiil cusub oo la qaloociyay.


“Waxaa ku baaqeynaa in la sameeyo Gudi macalimiin ah, oo heysata shahaado, si lagu ogaado inuu macalinka yahay kii saxda ah, wasaarada garsoorka inay fududeyso in macalinka daba gal lagu sameeyo si ardayda wax u wanaagsan u baraan”ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in waalid kasta aanu Ardayga dugsiga iska geyn, balse waajib ku tahay inuu ogaado macalinka uu u dhiibayo ubadkiisa, hadii uu yahay macalin fikir qaldan gudbinaya laga qabto, si aanu u soo bixin jiil cusub oo qaloocan fikir diineed oo aan toosneyn inuu wax ku qaribo.


Sheekh Aadan Macalin Sugow (Sheekh Suufi Yare) ayaa sheegay inay yaraadeen dadka wanaaga ka taliya, waxaana uu cadeeyay in timid hadii la abuuro timir dhalaneyso, balse tiin hadii la abuuro aanu timir dhaleyn, isagoo ugala jeeday in macalinka uu yahay kan tubta toosan ku hogaamiya ardayga.

“Amaanada macalinka lagu aaminay waa in ardayga loo keenay wax u baro si daacad ah, macalinkana waa inuu asal tubta toosan ku toosiyo, waana inuu saalix noqdaa”ayuu yiri Sheekh Suufi Yare.


Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in fahamka saxda ee diinta ay tahay in aan laga been sheegin, macalinkana uu ardayga u dhigaa sida diinteena muqadaska fareyso in luqad kale aanu wax ku barin, waxaana uu xusay in ardayga waajibkiisa yahay inuu ixtiraamo macalinka oo ah aabaha labaad, isagoo ugu baaqay waalidiinta inay macalimiinta ay qiimeeyaan.


Sheekh Muuse Cagaweyne ayaa sheegay in xiriirka ka dhaxeeya waalidka, macalinka iyo ardayga yahay mid u baahan in la wanaajiyo, isla markaana labada dhinac ee waalidka iyo macalinka iska war qabaan, si ardayga wax kasta oo la maro si wanaagsan ugu dhaqmo.


Mid ka mid ah waalidiinta ka qeyb galay dood cilmiyeedka oo lagu magacaabo Sheekh Xuseen ayaa sheegay in aanu jirin xiriir iska warqab oo waalidka iyo macalinka u dhaxeeya, isagoo xusay in waalidka aan la socon dhaq dhaqaaqa caruurtooda, waxaana uu sheegay in si walba looga hortagi karo in ardayga u nug-laado marin habaabinta waalidka ogaado wax walba oo la barayo, isla markaana koontaroolo.


Dood cilmiyeedkan ayaa intii uu socday waxaa ilaa lix Group loo qeybiyay ka qeyb galayaasha oo isugu jiray macalimiinta iyo waalidiinta, iyagoo si aad ah uga dooday sida loo joogteyn karo xiriirka macalimiinta iyo waalidka, si ardayga lagu toosiyo tubta toosan ee mustaqbalkiisa.