Dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen odayaasha dhaqanka oo Muqdisho lagu qabtay + Sawiro

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan weyne ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kulankaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Wadahadalka Bulshada CCD waxaa ka soo qeyb galay odayaal dhaqameedyo ka kala socday beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

K/Simaha Imaamka Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo furay dood cilmiyeedka ayaa ugu horeyntii uga mahad celiyay doorka hay’adda CCD ay ku leedahay wadahadalka qeybaha bulshada isugu keeneyso inay aayahooda ka tashadaan, isla markaana u midoobaan sidii ay uga hortegi lahaayeen kooxaha khatarta ku ah jiritaankooda.

Waxa uu sheegay Imaam Maxamed Yuusuf mar uu ka hadlayay qaabka looga hortegi karo isla markaana ajaanibta iyo horjoogayaasha Shabaabka loo soo qaban karo amaba looga hortegi karo dhibaatooyinka ay bulshada u geysanayaan in marka hore la sameeyo deriseyn.

“Odayaasha dhaqanka door firfircoon ayay ka qaadan karaan sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa inay isku xirmaan isla markaana ay soo sheegaan haddii ay arkaan Shabaabka iyo horjoogayaasha ajaanibta ah” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

Dood cilmiyeedka oo halku dhigiisu ahaa “Yaanan qarsan dambiilayaasha ajaanibta iyo horjoogayaasha Shabaab” ayaa waxay odayaasha halkaasi khudbadaha kala duwan ka jeedinayay, qaarkood waxay caddeeyeen inay kooxahaani ay yihiin masiibo dalka iyo dadka ku habsatay, ayna tahay haddii la doonayo in la cirib tiro inay bulshada u midowdo meel marinta arrintaasi.

Nabadoon Qaalid Axmed Jimcaale oo ka mid ahaa waxgaradkii halkaasi khudbadaha ka jeedinayay ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka oo isku duuban ay dowladda ka gacan siin karaan sidii loo soo qaban lahaa ajaanibta iyo horjoogayaasha Shabaabka ee ku dhuumaaleysanaya goobaha ay dowladu ka taliso, wuxuuna ku booriyay dhallinyarada ay qaldeen kooxahaasi inay dib ugu soo laabtaan dadkooda.

Dhinaca kale dood cilmiyeedka ayaa looga hadlay su’aalo ku aadan sababta xilliyada habeenkii madaafiicda loogu tuuro xarunta madaxtooyada Villa Somalia, xilli Muqdisho laga saaray Al-Shabaab, waxaana arrintaasi jawaab waafi ah ka bixiyay Nabadoon Shariif Xuseen Jilacow oo sheegay in madaafiicdaasi dowladda dhexdeeda aan loo dhaafin.

“Aniga waxaan u arkaa madaafiicda habeenkii lagu soo tuuro xarunta madaxtooyada inay tahay is reebreeb dowladda dhexdeeda ah, waxaana ugu baaqayaa inay joojiyaan arrintaasi, waayo madfac la tuuro darajo laguma gaaro” ayuu yiri Nabadoon Shariif Xuseen Jilacow.


Dood cilmiyeedka saakay Muqdisho ay ku yeesheen odayaasha dhaqanka ayaa waxay kaloo uga hadleen doodo xasaasi ah oo ku saabsan qaraxyada dalka ku soo badanaya iyadoo waliba iminka haweenka loo adeegsanayo sida qaraxii Tiyaatarka oo ay fulisay haween 18-jir ah.

Sheekh Maxaadey Maxamuud Jilacow oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed isla markaana ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay shareecada Islaamka waxa ay ka qabto in haweenka loo adeegsado falalka qaraxyada iyo dagaalada, wuxuuna sheegay in Shareecada Islaamka ay xaaraantinimeysay haweenka in loo adeegsado falalkaasi, wuxuuna ka sheekeeyay doorka haweenka uu u jideeyay Islaamka iyo abuuritaanka adduunka aadanaha markii uu Alle uumay.


“Nimankaan dhibaatada ka wada dalka ma lahan xal in la iska celiyo mooyee, mar haddii ay maanta haweenkii maskaxda ka xadayaan si ay isku qarxiyaan” ayuu yiri Nabadoon Maxaadeey Maxamuud Jilacow oo sheegay dhinaca kale in dadka midka ugu aakhirada xun uu yahay qofka.