Djibouti oo Baabuur dagaal ugu deeqday doowlada Soomaaliya…Sawiro

Doowlada Djibouti, ayaa maanta gudoonsiisay doowlada Soomaaliya, hub ka badan 50 Gaari, oo isugu jira loo adeegsado dagaalka, iyo kuwa xamuulka ee lagu daabulo Ciidamada.

R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, oo maalinkii labaad booqasho ku jooga dalka Djibouti, ayaa deeqda hubka ah ka gudoomay doowlada Jabuuti.

R/wasaaraha oo munaasaba hubkaas lagu gudoonsiinayay ka hadlay, ayaa waxa uu uga mahad celiyay doowlada Jabuuti hubkaas, waxaana uu sheegay in hubkaas la siiyay Soomaaliya ay u adeegsan doonaan Xoojinta amaanka dalka, sidoo kalena ay u adeegsan doonaan si masuuliyad ku jirto.

Munaasabada hub wareejintaas, ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, iyo Wasiirka Gaashaandhiga doowlada Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba” ayuu yiri Mudane Faqi.

“Hubkani guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Jabuuti,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha. Isagoo intaasi ku daray “Waxaan halkan ka cadeynayaa in hubkan aan u adeegsan doono si mas’uuliyadi ku jirto”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here