Diyaarado maqribki caawa duqeeyey deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Jubada Hoose

Diyaarado loo maleynayo in ay yihiin kuwa dagaalka Kenya ayaa duqeeyey deegaanka Buul-Xaaji oo qiyaastii 80 km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Duqeynta oo dhacday maqribki caawa ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhimatay haweeneey waayeel ah, halka sidoo kalana ay soo baxayaan warar sheegaya in ay jiraan qasaara soo gaaray dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Goobta la beegsaday ayaa aheyd saldhiga deegaanka oo ay ku leeyihiin Al Shabaab oo sida la xaqiijiyey lgu tuuray dhowr madfac.

Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan duqeynti maqribki loo geystay Buula Xaaji.

Kenya ayaa maalmahan duqeymo isdaba joog ah ka waday gobolada Gedo iyo Jubada Hoose oo ay intooda badan maamulaan Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.