Diyaarado kor heehaabaya magaalada Hobyo

Dadka ku nool degmada Hobyo ayaa ka walaacsan diyaarado joog hoose ku duulaya oo kor heehaabaya hawada magaalada iyo nawaaxigeeda.

Diyaaradahaan oo ah kuwa qumaatiga u kaca ayaa xalay ilaa iyo saakay ku wareegeyey dusha sare ee Hobyo, waxaana dad badani ay ku abuureen cabsi ah sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka.

Inkastoo aanan la ogeyn halka laga leeyahay diyaaradahaan, ayaa hadana wararku waxay sheegayaan in ay yihiin kuwo kasoo kacay maraakiibta dagaalka ee ciidamada Midowga Yurub ee qeybta ka ah howlgalka Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda.

Todobaadkaan gudahiisa ayaa diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Midowga Yurub waxay duqeeyeen doonyo sahay u waday burcad badeeda kuwaasi oo ay gubeen inkastoo aysan cidna wax ku noqon.

Weerarkaasi oo ka dhacay waqooyiga degmada Xarardheere meel u jirto 350 ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo ay ciidamada qeybta ka ah howgalka Midowga Yurub ka fuliyaan barriga Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.