Diyaarado Jood Hoose ku Docda oo Baraawe Lagu Arkay

Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu arkay diyaaro ku socdo joog hoose oo dul heehaabaya Magaaladaasi.

Qaar kamid ah dadka kunool Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xaalad cabsi xoogan ay soo foodsaartay shacabka kunool Magaaldaasi kuwaasi oo maqlaya guuxa Diyaaradaha.

Ilaa labo diyaaradood ayaa waxaa la sheegay inay yihiin Diyaaradahadul heehabaya Magaalada Baraawe.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Midnimo.com usheegay in xaalada ay tahay mid kacsan shacabkana ay wadnaha farta ku hayaan oo ay ka cabsi qabaan in xaalada ay ku xumaato.

Baraawe hada waxaa ku sugan masuuliyiin fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab kadib markii lagala wareegay Magaalooyin dhowr ah oo ay horay umaamuli jireen Al-Shabaab.

Lama oga dalka Laga leeyahay diyaaradaha jooge hoose ku soconaya ee lagu arkay magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here