Diyaarado garaacay Baardheere

Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku dhintay 7 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray ka gadaal marki ay diyaarado dagaal duqeeyeen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Duqeynta oo dhacday maanta ayaa waxaa la sheegayaa in loo geystay gudaha magaalada, iyadoo dadka dhaawaca ah ay sadex ka mid ahi yihiin caruur isla dhashay oo uu madfac ugu galay gurigooda.

Aabaha dhalay caruurtan ayaa u sheegay warbaahinta in inta uu arkay ay yihiin dhaawacyada 7 ruux iyo qof ku dhintay.

“Dhimasho hal ayaan odahay dhaawacana waa lix ruux, sadex aan aniga dhalay, nin oday ah iyo 3 kale, marka xaqiiqdi dadkaan hada waxay heleen gargaar caafimaad,” ayuu yiri.

Ma jirto cid sheegatay duqeyntaan, laakin waxaa loo maleynayaa in ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here