Diyaarado galabta duqeeyey deegaanka Hoosingo

Diyaarado ayaa mar labaad duqeeyey deegaanka Hoosingo ee gobolka Jubada Hoose kuwaasi oo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Diyaaradaha oo sida la sheegay ahaa laba diyaaradood ayaa beegsaday hareeraha deegaanka iyadoo haatan la hubo in ay ku dhinteen laba ruux oo aanan wali la xaqiijinin in ay ahaayeen rayid iyo Al Shabaab.

Maxamed Ismaacil Cabdulaahi oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta ay sidoo kale ku baaba,een xoolo isugu jira geel iyo lo oo daaqayey dhul beereedka ku yaala duleedka deegaanka.

“Walaaloow iyadoo bishi hore ay Kenya hasuuqday dad maati ah ayaa galabta hadana waxaa halkaan ka dhacay duqeymo oo diyaarado ayaa dhowr jeer beegsaday duleedka magaalada, diyaaradaha oo ahaa labo ayaa todobo jeer na duqeeyey, qasaaraha waa badan yahay waxaana uu isugu jiraa dad iyo xoolo,” ayuu yiri.

Lama oga cida iska leh diyaaradaha galabta duqeeyey Hoosingo oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.

Duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen Hoosingo bishi December ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo 13 ruux oo rayid ah, waxaana arintaasi aad u cambaareeyey hey’adaha xuquuqda aadanaha iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.