Diyaarado Duqeyn u Geystay Fariisimo Shabaab ku Lahaayeen Deegaanka Buulo-Gaguud

Wararka naga soo gaaraaya gobolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqaymo culus ka geysteen deegaano katursan gobolkaasi.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaano u dhow deegaanka Buulo-Gaduud oo 30KM u jirta magaalada Kismaayo, waxaana duqentaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray Shabaab.

Deegaanada la duqeeyay oo ah dhulka loo yaqaano dhasheega ayaa waxaa isku aruursanayay cutubyo ka tirsan Shabaab kuwaasoo doonayay inay jidka u galaan Ciidamo ka torsan Dowladda Soomaalia iyo kuwa Kenya oo ku soo dhaqaaqay wado ka soo baxda Afmadow oo soo aado dhanka Buulo-Gaduud.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looga oga khasaaraha ka dhashay duqaynta ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen gobolka Jubbada Hoose waxaana kasoo baxaaya warar kala duwan khasaaraha ka dhashay duqayntaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here