Diyaarado duqeeyey Gobolka Jubada Hoose

Diyaarado dagaal ayaa shalay gelinki danbe duqeeyey deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsanaa Al Shabaab.

Sida ay wararku sheegayaan diyaaradan oo aheyd nooca loo yaqaano helikobtarka ayaa bartilmaameedsatay laba baabuur oo ku dagaalka ah oo ay la socdeen Al Shabab xilli ay marayeen deegaanka Cag Libaax oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Afhayeenka ciidamada dowlada ee ku sugna gobolkaasi Adan Axmed ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 11 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab isla markaana laga gubay laba baabuur oo ay la socdeen.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Kenya oo weerarkaasi fuliyey iyo sidoo kale Xarakada Al Shabaab.

Duqeymaha ay Kenya ka geysaneyso Soomaaliya ayaa baryahan yaraa marka loo eego dhamaadki sanadki hore oo ay Kenyanka dad rayid ah ku laayeen deeganao ka tirsan Jubooyinka iyo Gedo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.