Diyaarado duqeeyey duleedka magaalada Baardheere

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeeyey saakay waabarigi duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ilo wareedyo ku sugan gobolka Gedo ayaa xaqiijiyey in diyaarad kuwa miiga ah oo ay leedahay dowlada Kenya ay duqeysay saldhig ay Al Shabaab ku leeyihiin deegaan 70-km u jiro magaalada Baardheere.

Saraakiil ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya oo jooga Gedo ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab, balse ma jiro war kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo xaqiijinaya ama beeninaya in weerarkaasi uu qasaaro kasoo gaaray.

Ciidamada Kenya ayaa bilooyinki ugu danbeeyey duqeyn ka waday qeybo ka mid ah gobolada koonfureed ee Soomaaliya, iyaga oo duqeymahaasi badankooda ku laayey dad rayid ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.