Diyaarado duqeeyey duleedka Buurdhuubo

Wararka naga soo gaaraya degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in shalay ay duqeymo ba,ani u geysteen diyaarado la rumeysanyahay in laga leeyahay dalka Kenya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Gedo, Diyad Cabdi Kaliil ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsaday saldhiyo ay Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Haluul oo ka tirsan Buurdhuubo.

Lama oga qasaaraha ka dhashay duqeynta, hase yeeshee Mr Kaliil ayaa tilmaamay in xog ku heleen in lagu dilay duqeynto dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Dhanka kale dhaq dhaqaaqyo ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Buurdhuubo oo ay maamulaan Al Shabaab, iyadoo ay ciidamada dowlada kusii siqayaan magaalada.

Al Shbaaab ayaa maamulo laba degmo oo ka tirsan gobolka Gedo kuwaasi oo kala ah Buurdhuubo iyo Baardheere.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.