Diyaarado duqeeyay Xarumaha Shabaab ee Jilib

FE20BC7A-47CA-4814-B725-C83D396417ED_w640_r1_s_cx0_cy4_cw0Diyaarado dagaal oo aan la aqoon dalka laga lee yahay, ayaa xalay duqeyn u geystay saldhig ay kooxda al-Shabaab ku lahayd degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeyntan ayaa lala beegsaday garaash baabuurta dagaalka la dhigo iyo xarun ciidan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyo iyo madax ka tirsan ururka Al-Shabaab, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Duqeyntii xalay, ayey dadka deegaanka sheegeen, inay ka dhasheen khasaare nafeed iyo mid maal, inkasta oo aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay.

Si kastaba, maamulka Jubbaland ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay sideed ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab, iyo saraakiil, islamarkaana lagu dhaawacay afar kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here