Diyaarado dagaal oo duqeeyey tuulada Muungaabo ee Jubada Hoose

Diyaarado dagaal ayaa maanta duqeeyey deegaanka Muungaabo oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Duqeymaha oo lala beegsaday baabuur dagaal oo ay lahaayeen Al Shabab ayaa waxaa sameeyey sadex diyaaradood waxaana wararu ay sheegayaan in ay gubeen todobo ka mid ah gaadiid ay la socdeen dagaalyaho ka tirsan Al Shabab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sadex baabuur oo ka mid ahaa gawaaridaasi kolonyada ahaa ee maanta la weeraray ay u baxsadeen deegaanka Kambsuuma oo ku yaala inta u dhaxeyso magaalooyinka Kismaayo iyo Jamaame.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabab oo duqeymaha maanta lala eegtay gaadiid ay lahaayeen dagaalyahanadooda.

Kenya ayaa xoojisay duqeymaha ay la beegsaneyso AL Shabab, hase yeeshee waxaa jiro walaac ay qabaan rayidka ah kadib marki ay dhowr jeer ay beegsatay dad rayid ah oo aanan waxba galabsan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.