Diyaarado dagaal oo burcad badeed Soomaali ah ku weeraray Puntland

Saraakiisha maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in shalay galab ay weerar loo adeegsaday diyaaradaha qumaatiga u kaca ku qaadeen koox burc badeed Soomaali ah oo ku dhuumaaleysanayey degmada Balli Dhidin.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha ay duqeysay guri ku yaala deegaankaasi oo uu ku jiray hogaamiye ka tirsan burcad badeeda oo lagu magacaabo Ciise Yulux kaasi oo ay la socdeen koox kale oo hubeysan.

Sida aanu ku heleyno wararka, Ciise Yulux ayaa baxsaday waxaase dhaawacyo ay soo gaareen dad rayid ah oo kasoo jeedo deegaanka la weeraray oo ka tiran gobolka Bari.

Weerarka ayaa yimid laba maalin kadib marki ay ciidamada Puntland weerareen burcad badeed ku sugnayd degmada Baargaal ee isla gobolka Bari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.