Diyaaradi waday meydka marxuum C/laahi Yusuf Axmed oo Muqdisho soo gaartay

Waxaa goor dhaweyd garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho soo caga dhigatay diyaaradi waday meydka madaxweynihi hore ee Somaaliya C/laahi Yusuf Axmed.

Waxaa haatan ka socoto garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho munaasabada janaasada loogula tukanayey, iyadoo haatana lagu tukaday salaada janaasada oo uu hogaamiyey madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ka hor salaada janaasada waxaa ka hadlay goobta Wasaarka garoosrka iyo Diinta iyo Afqoofta, Ugaas Bile kaasi oo ka hadlay waxa looga baahanyahay aaska iyo habka ay u dhaci doonto salaada janaasada.

Jawiga garoonka ayaa ah mid aad u tiiraanyeysan, waxaana hoos loo dhigay calanka Soomaaliya oo ay dowlada iclaamisay in mudo 7 maalin ah uu hoos ahaado si loogu baroor diiqo madaxweyne Yusuf.

Wixi kusoo kordha dib kala soco Midnimo.com

1 COMMENT

  1. Inaa lillah wa inaa ileyhi raajicuun allaha unaxriisto marxuum c/laahi yuusuf axmed oo ahaa madaxweenihii hore ee somalia runtii dalka si wanagsan ayuu usoo maamuley waxqabad ween ayuu qabtey runtii ningeesi ah ayuu ahaa oo go,aankiisa adkaa dhab ahaantii dal wax ayuu usoo wabtey ayaan leenahay mar xuumka allaha unaxriisto

Comments are closed.