Diyaaradi waday meydka C/laahi Yusuf Axmed oo haatan u duushay magaalada Gaalkacyo

Waxaa goor dhaweyd ka duushay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cade ee magaalada Muqdisho diyaaradi waday meydka marxuum C/laahi Yusuf Axmed maxweynihi hore ee Soomaaliya.

Madaxweynihi hore ayaa salaada janaasada lagula tukaday barxada garoonka Adan Cade, iyadoo uu tushiyey madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed, isla markaana ka qeybgaleen madaxda kale ee dowlada sida Ra’isulwasaaraha.

Marki ay dhamaatay munaasabada janaasada ayaa waxaa soo istaagtay sideed askari oo si gaar ah loo diyaariyey kuwaasi oo meydka ku celiyey diyaaradi keentay.

Gudigi loo xil saaray qaban qaabada aaska oo uu hogaamiye u yahay Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo koox saxafiyiin ah ayaa iyana raacay diyaarad kale oo ay dowlada ugu tala gashay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa munaasabada janaasada kaga dhawaaqay in dowlada ay bixin doonto wixi deyn qaran ah oo uugalay marxuumka, sidoo kale wuxuu sheegay in deymaha gaarka ah ee lagu leeyahay ay diyaar u yihiin in ay wax ka bixiyaan hadii ay lagama maarmaan tahay.


Magalada Gaalkacyo oo ah halki uu ku dhashay ayaa lagu wadaa in lagu aaso isla maanta, waxaana garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku sugan madaxda Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweyne C/raxmaan Faroole.

1 COMMENT

Comments are closed.