Diyaaradaha Srael oo markale duqeyn ka geystay gudaha Syria

Sida ay qortay wakaalada wararka u faafisa dalka Syria ee (SANA), waxaa saakay(Axad) waaberigii deegaanka “Jamaraaya” oo ah baadiyaha Dimishiq laga maqlay qaraxyo waa weyn, ooloo meleynayo ineey ka dhalatay weerar ay diyaaradaha Srael u geysteen meel hubka lagu keydiyo.

Wakaalada wararka SANA, ayaa tilmaamtay in macluumaad hordhac ah oo ay heleen ay muujinayaan in diyaaradaha Srael ay duqeeyeen goob uu hub ugu keydsanaa doowlada Syria.

Xaruuntaan hubka lagu keydiyo ee “Jamaraaya” ayaa diyaaradaha Srael ay dhowr mar duqeyn u geysteen.

Majiro ilaa iyo hada war cad oo kasoo baxay dhanka Srael, islamarkasna ku saabsan duqeymaha ay diyaaradahooda dagaalka ka geysteen gudaha Syria.

Wadanka Syria ayaa sanadkii 3aad waxaa ka soconaya dagaal udhaxeeya doowlada uu hogaamiyo Bishar Asad, iyo kooxo mucaarad ah oo u badan Suniyiin Muslimiin ah, waxana lagu qiyaasaa dadka ku dhintay dagaaladaas ilaa 70,000 oo qof.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here