Diyaaradaha NATO oo caruur iyo haween ku laayay Afganistan

Masuuliyiinta Afganistan ayaa sheegaya in weerar ay qaaday mid kamid ah diyaaradaha NATO ay ku dhinteen dad rayid ah una badan Haween iyo Caruur, weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka “KONARI” ee bariga wadankaas.

Duqa magaaladaas, Sayid Fadlulaahi Waxiidi, oo wareeysi siinayay wakaalada wararka ee AFP ayaa waxa uu sheegay in “5 caruur ah, 4 haween ah, iyo 4 rag ah ay ku dhinteen weerarkaas”.

Dhanka kale afhayeen u hadlay NATO ayaa sheegay ineey baaris ku samayn doonaan weerarkaas ay fulisay mid kamid ah diyaaradahooda dagaalka, taasoo lasheegay ineey xasuuqday dad rayid ah una badan haween iyo Caruur.

Dhanka kale masuul katirsan deegaanka ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay 3 kamid ah dagaalyahanada Daalibaan, oo uu kujiro nin lagu magacaabo “Shahbur” kaasoo lala xiriirinayo inuu xiriir dhow la lahaa Al-qacida.

Sidoo kale weerarkaan waxaa dhaawac uu kasoo gaaray 4 caruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here